Odayaasha Dhaqanka Oo Bilaabay Soo Xulidda Xildhibaanada Galmudug

Date:

Odayaasha dhaqanka  Galmudug ayaa  bilaabaya soo xulista  Xildhibaanadda ka mid noqonaya Baarlamanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug, kaddib markii tababar  ku saabsan qaabka soo xulista Xildhibaanadda gelinkii dambe ee shalay loogu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb.

Maxamed-deeq Cabdi Maxamed oo ah Wariyaha nooga soo warama Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in odayaashan la xareeyay islamarkaana laga sugayo in ay soo gudbiyaan liiska Xildhibaanadda cusub ee ka mid noqonaya Baarlamanka labaad ee Galmudug.

Gudoomiyaha guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Galmudug ayaa  ku booriyay odayaasha in ay ku soo xulaan Xildhibaanadda aqoontooda, isagoo intaasi ku daray in la abaalmarindoono sadexda beelood ee ugu horeysa soo xulista Xildhibaano Aqoonyahano ah.

Marka laga reebo Ahlusunna oo soo gudbisay Xildhibaannadeeda waxaa odayaashan looga fadhiyaa in ay soo xulaan Xildhibaanadda kale, iyagoo ku jaangooynaya habka awoodqeybsiga beelaha dega Galmudug.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...