Ciidamada Amniga Oo Howlgalo Ka Sameeyay Muqdisho

Date:

Ciidamada Amniga oo xalay Howlgallo Ka Wada Magaalada Muqdisho Ayaa Qarxiyay Miinooyin Dhulka Lagu Aasay.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan dagmooyinka Warta Nabadda  iyo Howl wadaag ee Gobalka Banaadir ayaa qarxiyay laba Miino oo kuwa dhulka la galiya ah.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa Xaqiijiyay in Miinooyinka ay qarxiyeen ciidamada Gaashaan ayna ku aasnaayeen dhulka, waxayna kooxaha argagixisadu doonayeen in ay ku laayaan shacabka Soomaaliyeed.

Xaafadda Baar Ubax oo ah halka ay ciidamadu ku qarxiyeen miinooyinka ayaa ciidamadu ka fuliyeen howlgal lagu bartilmaameedsanayay rag la tuhunsayahay oo ka tirsan kooxda Al Shabaab.

ciidamada Amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa had iyo jeer u taagan ka hortagga dhagarta ay cadawga umadda Soomaaliyeed maalin kasta u soo maleegaan kooxda Xagjirka Al Shabaab oo baneystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...