Waa Maxay Sababta Ay Soomaaliya U Lumineyso Maamulka Hawadeeda!! (Qormo Kooban)

Date:

Hey’adda duulista rayidka qaramada midoobay ee ICOA maamulidda hawada Soomaaliya ayaa gacanta u gelisay hey’adda duulista rayidka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dhammeystiran bartimihii sannadkii 2018-kii.

Ku dhowaad soddon sanno oo ay gacanta Soomaaliya ka maqneyd maamulka hawada waxa lala soo maray marxalado adag, juhdi aan kala go’ lahayn cilmi-baaris shaqo iyo diyaarinta shuruuc kala duwan, wadahadallo sannado qaatay iyo dadaalka hey’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya sameysay, taas oo lagu gaaray natiijada ay dowladda Soomaaliya ka gaartay maamulka hawada.

Maamulidda hawada waxaa lagama maarmaan u ah sharciyo gaar ahaaneed sida sharciga hey’adda duulista rayidka oo ka gudbay Golaha shacabka ee Baarlamanka Federalka Soomaaliya balse  horyaalla Golaha Aqalka sare Baarlamanka Federal Soomaaliya.

Sharciga hey’adda duulista ayaa wakhti kooban u heysta baarlamanka in uu dhaqangeliyo dhammaadka bishaan Jannaayo ee 2020-ka sida ku cad heshiisyadii lala galay hey’adaha ICOA iyo ITA.

Walaaca maamulka Hawada

Hey’adda ICOA  waxa ay bilowday in ay bixiso digniino (Signal) muujinaya khatarta ka imaan karta haddii aan bishan la helin sharci dhammeystiran oo awood u siinaya hey’adda duulista rayidka Soomaaliya in ay heysato maamulka hawada iyo in ay fuliso dhammaan 12,000 (Laba iyo Toban Kun oo qodob) kuwaas oo u deggan hey’adda Qaramada Midoobay  u qaabilsan duulista rayidka ah ee IOCA, taasi waxaa ku jirta danta dalkaan iyo dadkiisaba si caalamka intiisa kale ay kala qeyb-galaan tartanka horumarka dhaqaale.

Sharciga nuxurkiisa marka aad akhriso waa mid ku habboon xaaladda iyo nidaamka dowladdeed ee dalkan uu leeyahay ee ku saleysan Federaal wadaagga Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xogo laga helay khubarro ku xeel dheer sharciga arrimaha duulista rayidka waxa ay bixinayaan digniino adag oo ku aadan in aan dib loo lumin maamulka hawada ee geeddiga dheer ka soo hoyday.

Barlamaanka Soomaaliya-(Aqalka sare)

Golaha Aqalka sare waxaa horyaalla masiir ka mid ah tiirarka astaanta u ah madax bannaanida dalkan, waa in dalku uu maamushaa hawadiisa, xuduudahiisa, dhulkiisa iyo meel walba oo carrada Jamhuuriyadda ka mid ah.

Aqalka sare waxaa la gudboon in toddobaadyada hore ee bishan ay ansixiyaan sharciga hey’adda Duulista rayidka ah si dalka uu uga badbaado qal-qal hor leh oo keena in dib looga ceshto Soomaaliya maamulka Hawada.

Talo waddniyadeed.

Kala horreysiinta Sharciyada iyo sida ay u kala leeyihiin mudnaanta si dalkan uu uga soo kabto burburkii kasoo gaaray sharciga, amniga, dhaqaalaha iyo la macaamilka dunida heysata sharciyadda sahli kara fududeynta ka qeybgalka tartanada ayaa waxa loo baahan yahay shaqo gudasho waddaniyad leh si ay dalka ugu badbaado fursadaha lacagaha Balaayiinta ah eek u soo xaroon lahaa dhakhli ahaan, iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida dhanka hawada.

Sidaa darteed Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan dhihi lahaa ka faa’ideysta fursadda gacantiina ku jirta oo badbaadiya dalkiina dadkiisu ay ku dulman yihiin dunida badankeed oo ansixiya sharciga hey’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya.

W/D Feysal Muuse

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...