Waa Maxay Sababta Ay Soomaaliya U Lumineyso Maamulka Hawadeeda!! (Qormo Kooban)

Date:

Heyโ€™adda duulista rayidka qaramada midoobay ee ICOA maamulidda hawada Soomaaliya ayaa gacanta u gelisay heyโ€™adda duulista rayidka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dhammeystiran bartimihii sannadkii 2018-kii.

Ku dhowaad soddon sanno oo ay gacanta Soomaaliya ka maqneyd maamulka hawada waxa lala soo maray marxalado adag, juhdi aan kala goโ€™ lahayn cilmi-baaris shaqo iyo diyaarinta shuruuc kala duwan, wadahadallo sannado qaatay iyo dadaalka heyโ€™adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya sameysay, taas oo lagu gaaray natiijada ay dowladda Soomaaliya ka gaartay maamulka hawada.

Maamulidda hawada waxaa lagama maarmaan u ah sharciyo gaar ahaaneed sida sharciga heyโ€™adda duulista rayidka oo ka gudbay Golaha shacabka ee Baarlamanka Federalka Soomaaliya balse ย horyaalla Golaha Aqalka sare Baarlamanka Federal Soomaaliya.

Sharciga heyโ€™adda duulista ayaa wakhti kooban u heysta baarlamanka in uu dhaqangeliyo dhammaadka bishaan Jannaayo ee 2020-ka sida ku cad heshiisyadii lala galay heyโ€™adaha ICOA iyo ITA.

Walaaca maamulka Hawada

Heyโ€™adda ICOA ย waxa ay bilowday in ay bixiso digniino (Signal) muujinaya khatarta ka imaan karta haddii aan bishan la helin sharci dhammeystiran oo awood u siinaya heyโ€™adda duulista rayidka Soomaaliya in ay heysato maamulka hawada iyo in ay fuliso dhammaan 12,000 (Laba iyo Toban Kun oo qodob) kuwaas oo u deggan heyโ€™adda Qaramada Midoobay ย u qaabilsan duulista rayidka ah ee IOCA, taasi waxaa ku jirta danta dalkaan iyo dadkiisaba si caalamka intiisa kale ay kala qeyb-galaan tartanka horumarka dhaqaale.

Sharciga nuxurkiisa marka aad akhriso waa mid ku habboon xaaladda iyo nidaamka dowladdeed ee dalkan uu leeyahay ee ku saleysan Federaal wadaagga Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xogo laga helay khubarro ku xeel dheer sharciga arrimaha duulista rayidka waxa ay bixinayaan digniino adag oo ku aadan in aan dib loo lumin maamulka hawada ee geeddiga dheer ka soo hoyday.

Barlamaanka Soomaaliya-(Aqalka sare)

Golaha Aqalka sare waxaa horyaalla masiir ka mid ah tiirarka astaanta u ah madax bannaanida dalkan, waa inย dalku uu maamushaa hawadiisa, xuduudahiisa, dhulkiisa iyo meel walba oo carrada Jamhuuriyadda ka mid ah.

Aqalka sare waxaa la gudboon in toddobaadyada hore ee bishan ay ansixiyaan sharciga heyโ€™adda Duulista rayidka ah si dalka uu uga badbaado qal-qal hor leh oo keena inย dib looga ceshto Soomaaliya maamulka Hawada.

Talo waddniyadeed.

Kala horreysiinta Sharciyada iyo sida ay u kala leeyihiin mudnaanta si dalkan uu uga soo kabto burburkii kasoo gaaray sharciga, amniga, dhaqaalaha iyo la macaamilka dunida heysata sharciyadda sahli kara fududeynta ka qeybgalka tartanada ayaa waxa loo baahan yahay shaqo gudashoย waddaniyad leh si ay dalka ugu badbaado fursadaha lacagaha Balaayiinta ah eek u soo xaroon lahaa dhakhli ahaan, iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida dhanka hawada.

Sidaa darteed Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan dhihi lahaa ka faaโ€™ideysta fursadda gacantiina ku jirta oo badbaadiya dalkiina dadkiisu ay ku dulman yihiin dunida badankeed oo ansixiya sharciga heyโ€™adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya.

W/D Feysal Muuse

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale