R/Wasaare Xasan Cali Kheyre Oo Kulamadii U Dambeeyay Ka wada Dhuusamareeb

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedeaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Dhuusamareeb ka wada kulamo ku aadan sidii loo dedejin lahaa xulida Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, si loo dhameystiro tirada 69-ka ah ee Xildhibaanada ka dhiman Baarlamaanka Galmudug, kaddib markii Ahlusuna ay soo xulatay 20 Xildhibaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeday magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, isagoo ka dhageystay tabashooyin ay qabeen.

Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha kala hadlay dardar gelinta dhismaha Maamulka Galmudug iyo sidii loo dhameystiri lahaa soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale la kulmay Ugaaska Ugaas Xasan Ugaas Nuur iyo Madaxa Xukuumadda, waxaana uu kala hadlay sidii ay door weyn ugu yeelan lahaayeen dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Waxaa kaloo Ra’iisul Wasaaraha la kulmay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto Galmudug, waxaana uu uga mahad celiyay dadaalka ay u galeen dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha oo muddo todobaad ku sugan Dhuusamareeb ayaa la filayaa inuu maanta dib ugu soo laabto Muqdisho, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo liiska Xildhibaanada 69-ka ah ee Baarlamaanka Galmudug

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...