Wasaaradda Haweenka Galmudug & Haweenka Deegaannada Oo Kulmay

Date:

Haweenka doonaya ka mid noqoshada Baarlamaanka Galmudug ayaa Bilihii la soo dhaafay ayaa ka doodayay si ay uga mid noqon daan Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo meel gabo-gabo ah maaya.

Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Galmudug oo xalay kulan wadatashi ah la qaadatay haweenka uu hamigoodu yahay in ay lagu daro Baarlamaanka cusub ee Maamulkaasi kuwaasi oo ka soo kala jeeda deegaannada maamul gobolleedka, ayaa diiradda lagu  saaray Arrimaha Siyaasadda iyo kamid noqoshada Golaha Wakiilada Galmudug.Naciimo Maxamed Catoosh oo sii haye ka ah Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Galmudug oo kulan labo maalmood ah furtay ayaa faah-faahin ka bixisay waxyaabihii looga hadlay oo ay kamid yihiin doorka haweenku ee arrimaha siyaasadda iyadoo lala kaashanayo qeybaha bulshada.

Doodaha haweenka ee kamid noqoshada Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa ah mid si saa’id loo hadal hayo haseyeeshee haweenka ayaa dadaal ugu jira in ay helaan matalaadda xagga maamulka dowlad Goballeedka Galmudug xilli haatan ay socoto soo xulista xubnaha baarlamaanka cusub si loo doorto dowlad goballeed loo dhanyahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...