Wararkii u dambeeyay bariga dhexe ka dib dilkii Soleimani

Date:

Baroor-diiqayaash ayaa buux dhaafiyay waddooyinka iyadoo Khamenei hormuud ka yahay
Boqolaal kun oo reer Iran ah ayaa caasimadda isugu soo baxay kuwaas oo ka baroor-diiqaya dhimashada Soleimani, sidoo kale guud ahaan magaalooyinak kale ee dalka waxa ka socon doona isku soo baxyadaas oo kale.
Hogaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa horkacaya salaada jazaanada iyo ducada loo sameynayo Jananka.
Jarmalka: Cunaqabateynta Ciraaq loogu goodiyay ma ahan mid xal ah
Wasiirka arrimaha dibada Jarmalka Heiko Maas ayaa sheegay in cunaqabateynta la saarayo Ciraaq aysan aheyd mid hal ah ka dib hadalkiika soo baxay madaxweyne Donald Trump oo ahaa in cunaqabateyn adag saari doono Ciraaq haddii ciidankiisa laga soo saaro dalkaas.
“Ma u malaynayo in tani ay ka shaqeyn karto Ciraaq laakiin waa aragti,” ayuu u sheegay Radiyaha dowladda ee Deutschlandfunk.
Waxaa uu intaas ku daray in Jarmalka Britain iyo France ay ka wadahadleen arrinta nuclearka Iran iyo tallaabada Tehran dhowaan shaacisay ay waxyeeleyn karaan heshiiskii muhiimka ahaa ee 2015 laga galay barnaamijka Nuclearka.
Sadexda dal waxaa ay muujiyeen ahmiyadda ay leedahay in la dejiyo xiisadaha ka taagan dalalka Iran iyo Ciraaq la qaboojiyo isla markaana juhdiga la isugu geeyo la dagaalanka Daacish.
“Waxaan diyaar u nahay in aan sii wadno wadahadalka aan la yeelanayo dhamaan dhinacyada si dadaalada lagu dejinayo xiisadda loo mideeyo laguna dadaalo xasiloonida gobolka.” ayaa lagu xusay bayaan ka soo baxay sadexda wadan.
Sidoo kale, war laga heley xafiiska madaxweynaha dalka France Emmanuel Macron ayaa lagu sheegay in maalmaha soo socda kulan uu dhex mari doona madaxweynaha France iyo dhigiisa Iiran Hassan Ruuxaani.
Dilka Soleimani waxaa uu keeni karaa xasilooni daro gobolka ah: Turkey
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu (Mowluud Jaawish Oglu ) ayaa sheegay in dilka Janaraal Soleimani uu khatar amni ku yahay nabadda gobolka.
“Waxaan dalalka kale kala shaqeyn doonaa sidii loo dejin lahaa xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran,” ayuu Cavusoglu u sheegay warfidiyeenka.
Mareykanka iyo Israel waxay wajahayaan maalin madow: Gabadha Soleimani
Zeinab Soleimani, oo ah gabadha uu dhalay Soleimani waxaa dadki isugu yimid tacsida aabaheed oo lagu qabtay caasimadda Tehran u sheegtay in Mareykanka iyo Isreal ay wajahayaan maalin madow dhimashada aabaheed awgeed.
“Trump wareersanow, ha u malaynin wax walba ay dhamaadeen ka dib shahaadada aabahey, ” ayay ka tiri isku soo baxaas xilli si toos ah looga baahinayay telefishinka.
Taliyaha guutada Qudus waxaa uu doonayaa in Mareykanka uu ka saaro gobolka
Brigadier General Esmail Qaani, oo ah taliyaha cusub ee guutada Qudus waxaa uu doonayaa in ciidanka Mareykanka laga saaro guud ahaan bariga dhexe ka dib dilka taliyihii guutadaas Soleimani.
“”Waxaa balan qaadayaa in aan raaci doono waddadii shahiidka Soleimani… waxa keliya oo aan ugu magi doono waan in aan Amerika ka saarnaa gobolka,” ayuu u sheegay Radiyaha qaranka Janaraal Ismaaciil.
Congres waxaa uu u codeyn doonaa qaraar lagu xadidayo awooda Trump ee go’aaminta dagaal: Pelosi
Afhayeenka Aqalka Congress Nancy Pelosi ayaa sheegtay in golaha todobaadkan ka doodi doonaan isla markaana u codeyn doonaa qaar lagu koobayo awooda arrimaha dagaalka ee madaxweyne Trump gaar ahaan arrinta hadda taagan ee Iran.
“Qaraar kan lamid ah waxaa soo aqalka senatka u gudbiyay Senator Tim Kaine,” ayay Pelosi ku sheegtay bayaan ka soo baxay xafiiskeeda.

Trump oo Ciraaq ugu hanjabay cunaqabateyn ka dib go’aankii baarlamaanka
MadaxweyneTrump ayaa Ciraaq ugu goodiyay cunaqabateyn adag ka dib markii baarlamaanka dalkaas uu ansixiyay qaar lagu dalbanayo in ciidanka ajnabiga ah ay ka baxaan Ciraaq.
“Waxaa halkaas ku leenahay saldhig ciidan oo aan ku bixinay kharash aan caadi aheyn. Waxaa ku baxday dhismahiisa balaayiin doollar. Kama baxayno ilaa aad lacagteeni dib noo siisaan,” ayuu wariyeyaasha u sheegay Trump.
Trump ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka soo degay diyaaradda madaxtooyada, isagoo intaas ku daray haddii Ciraaq dalbadeen in ciidanka Mareykanka la baxaan dalka ay ku soo rogi doonaan cunaqabateyn lamid ah tan saaran Iran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...