Maareeyaha cusub ee golaha Murtida oo maanta xilka la wareegay.

Date:

Munaasabadda uu xilka kula wareegay maareeyaha cusub ee golaha Murtida iyo Madadaalada C/qaadir Cabdi “Shube” oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” agaasimaha guudC/raxmaan Yuusuf Sh. “Al cadaala” iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda.
Maareeyihii hore Maxamed Abuukar Axmed “Ma’da” oo goobtaasi ka hadlay kaddib markii uu xilka ku wareejiyay maareeyaha cusub ayaa sheegay in shaqada golaha laga soo bilaabay meel hoose haddana ay mareeyso meel gabagabo ah, isagoo ku dhiirrigeliyay maareeye Shube in uu howsha halkeeda ka sii wado.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa Maareeyaha cusub u rajeeyay in uu ku guuleysto xilka loo magacaabay, isagoo intaasi ku daray in wasaaraddu ay gacan ku siindoonto gudashada waajibaadkiisa.
“”Maareeyihii hore wax wanaagsan ayuu soo qabtay , maareeyaha cusub ee xilka la wareegayna waxaan u rajeeynayaa shaqo wacan maaddaama uu yahay qof waayo arag ah oo muddo badan soo shaqeeynayay” Sidaasi waxaa yiri wasiir Maareeye oo ka hadlay goobtii xilwareejinta.
Maareeyhaha cusub ayaa kadib markii uu xilka wareegay waxa uu booqday golaha Murtida iyo Madadaalada oo dhismihiisu haatan meel gabo gabo ah marayo, wuxuuna warbixin ka dhageeystay Injineerrada iyo howlwadeennada ka shaqeeynaya dhismaha golahaasi.
Golaha Murtida iyo Madadaalada, Maktabada Qaranka, Matxafka Qaranka iyo dhammaan goobihii taallooyinka taariikhiga ah ayaa lagu dhisay ololaha loogu magacdaray Isxilqaan oo ay garwadeen ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...