Madaxda Warfaafinta Oo Ka Hambalyeeyay Sanadguurada 56-aad ee Aas Aaska Sonna

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Md. Max’ed Cabdi  Xayir Maareeye, Wasiir ku xigeenka  Md.Aadan  Isaaq Cali, Agaasimaha Guud Md.C/raxmaan yuusuf Sheekh Al- Cadaala, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Md.Cali  C/qaadir Cali (Cali Maykal) iyo dhamaan agaasimayaasha waaxyaha warfaafinta ,waxay hambalyo u direen dhamaan howlwadeennada  warbaahinta Qaranka, gaar ahaan maamulka iyo wariyayaasha  SONNA, munaasabadda sanadguurada 56aad eek a soo wareegtay markii la aasaasay oo ku beegan  5/1/1964tii.

Musuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta waxay xuseen muhiimadda Wakaaladda SONNA iyo doorka shariifka ah ay kaga jirto warbaahinta dalka, waxayna u rajeeyeen  howlwadeennada  wakaaladda in ay sii labanlaabaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta iyo dib u soo celinta, doorkii SONNa ay ku lahayd warbaahinta Caalamka.

Dhanka kale Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Cali  C/qaadir Cali (Cali Maykal) oo ka hadlayay muhiimadda munaasabadda Wakaaladda SONNA ayaa  sheegay in wakaaladda la aasaasay 5/1/1964tii, waxayna ahayd isha rasmiga ah ee wararka dalka.

“1964—1990kii Wakaaldda SONNA waxay dabooshay baahida wareed ee dalka, waxayna ka dhex muuqatay  dhinaca war isdhaafsiga Wakaaladaha Wararka ee caalamka.”sidaasi waxaa yiri Agaasimaha Wakaaladda SONNA.

Mudane Cali Maykal  wuxuu xusay in Wakaaladda ay xarumo ay ku lahaan jirtay dhamaan 18 gobol ee dalka, halkaasi oo ay u joogeen wariyayaal khibrad warbaahineed leh, waxay ahayd isha Wararka Soomaaliya laga soo xigto, xiriir war isdhaafsi iyo wada shaqayna waxay la lahayd inta badan Wakaaladaha wararka Caalamka.

Agaasimaha SONNA Mud. Cali  C/qaadir Cali (Cali Maykal) wuxuu tilmaamay in wakaalladda Wararka Soomaaliyeed ay ka mid ahayd hay’adihii qaranka ee uu saameeyay burburkii dalka ka dhacay,balse nasiib wanaag wakaaladda  hadda way soo kabanaysaa, waxayna cagta saartay wadadii ay ku gaari lahayd inay soo ceshato doorkeedii  warbaahineed ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, wuxuuna  agaasimuhu hawlwadeennada SONNA u rajeeyay in sanadkaan sanadkiisa kale ku gaaraan horumar iyo inay ka dhabeeyaan dhaqan galinta qorshayaasha ay hiigsanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...