Madaxda Warfaafinta Oo Ka Hambalyeeyay Sanadguurada 56-aad ee Aas Aaska Sonna

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Md. Maxโ€™ed Cabdiย  Xayir Maareeye, Wasiir ku xigeenkaย  Md.Aadanย  Isaaq Cali, Agaasimaha Guud Md.C/raxmaan yuusuf Sheekh Al- Cadaala, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Md.Caliย  C/qaadir Cali (Cali Maykal) iyo dhamaan agaasimayaasha waaxyaha warfaafinta ,waxay hambalyo u direen dhamaan howlwadeennadaย  warbaahinta Qaranka, gaar ahaan maamulka iyo wariyayaasha ย SONNA, munaasabadda sanadguurada 56aad eek a soo wareegtay markii la aasaasay oo ku beeganย  5/1/1964tii.

Musuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta waxay xuseen muhiimadda Wakaaladda SONNA iyo doorka shariifka ah ay kaga jirto warbaahinta dalka, waxayna u rajeeyeenย  howlwadeennadaย  wakaaladda in ay sii labanlaabaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta iyo dib u soo celinta, doorkii SONNa ay ku lahayd warbaahinta Caalamka.

Dhanka kale Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Caliย  C/qaadir Cali (Cali Maykal) oo ka hadlayay muhiimadda munaasabadda Wakaaladda SONNA ayaaย  sheegay in wakaaladda la aasaasay 5/1/1964tii, waxayna ahayd isha rasmiga ah ee wararka dalka.

โ€œ1964—1990kii Wakaaldda SONNA waxay dabooshay baahida wareed ee dalka, waxayna ka dhex muuqatayย  dhinaca war isdhaafsiga Wakaaladaha Wararka ee caalamka.โ€sidaasi waxaa yiri Agaasimaha Wakaaladda SONNA.

Mudane Cali Maykalย  wuxuu xusay in Wakaaladda ay xarumo ay ku lahaan jirtay dhamaan 18 gobol ee dalka, halkaasi oo ay u joogeen wariyayaal khibrad warbaahineed leh, waxay ahayd isha Wararka Soomaaliya laga soo xigto, xiriir war isdhaafsi iyo wada shaqayna waxay la lahayd inta badan Wakaaladaha wararka Caalamka.

Agaasimaha SONNA Mud. Caliย  C/qaadir Cali (Cali Maykal) wuxuu tilmaamay in wakaalladda Wararka Soomaaliyeed ay ka mid ahayd hayโ€™adihii qaranka ee uu saameeyay burburkii dalka ka dhacay,balse nasiib wanaag wakaaladdaย  hadda way soo kabanaysaa, waxayna cagta saartay wadadii ay ku gaari lahayd inay soo ceshato doorkeediiย  warbaahineed ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, wuxuuna ย agaasimuhu hawlwadeennada SONNA u rajeeyay in sanadkaan sanadkiisa kale ku gaaraan horumar iyo inay ka dhabeeyaan dhaqan galinta qorshayaasha ay hiigsanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...