Wasaaradda Waxbarashada oo maanta soo gabagabeeyneysa Imtixaanaadka macalimiinta ee gobollada Mudug iyo Sh/Dhexe

Date:

Imtixaanadan laga qaadayo dhamaan macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada gobolka Shabeellaha Dhexe islamarkaana ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa tan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ujeedadiisu tahay hubinta tayada macalimiinta ka howlgasha dugsiyada gobolka Shabeellaha Dhexe.

Abuukar Maxamed Bacadle oo ah Wariyaha nooga soo warama gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa soo sheegaya in maanta la soo gabagabeeynayo imtixaankan laga qaadayo macalimiinta  oo soo bilowday sabtidii la soo dhaafay.

Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta Sare ee dowladda Dowladda Federaalka ayaa la filayaa in ay maanta gaaraan magaalada Jowhar si ay u soo xiraan imtixaanaadkaasi, iyadoo goobta imtixaanka ay ku sii sugnaayeen mas’uuliyiin ka kala tirsan tirsan Hirshabeelle iyo Federaalka.

Dhinaca kale Wasaaradda Waxbarashada ayaa maanta soo gabagabeeyneeysa imtixaan laga qaadayay macalimiinta ka howlgasha Galmudug oo ka socday magaalada Gaalkacyo kaasoo lagu hubinayo tayada macalimiinta, sida uu ku soo waramay C/risaaq Maxamed Axmed oo ah wariyaha nooga soo warama gobolka Mudug.

Imtixaankan oo kale ayaa hore looga qaaday macalimiinta ka howlagasha gobolka Banaadir, iyadoo 80% ay baaseen halka 20% ay ku dhaceen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...