Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Booqday Dhaawacyada Isbitaalka Erdugan

Date:

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa caawa booqday dhaawacyada dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Ex-controll Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo ay wehliyeen xubno katirsan xillibaanadda Baarlamaanka, ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ku jira Ispitaalka Ordugan ee Muqdisho.

Maamulka Ispitaalka Erdugan ayaa guddoomiyaha uga warbixiyay dhaawacyada la soo gaarsiiyay cispitaalka, tiradda dhimashada iyo inta dhaawaca ah, waxaana maamulka Ispitaalku ay guddoomiyaha u sheegeen, in Berri subax ay diyaarad gaar ah imaan doonto lana qaadi doono dhaawacyada culus ee aan Isbitaalka wax looga qaban karin.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa booqashada iyo warbixinta kadib, u mahad celiyay maamulka iyo howl-wadeenada caafimaadka ee Isbitaalka Erdugan, sida ay isugu howleen caafimaad qabka dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, waxa uuna dhanka kale mas’uuliyiinta Turkiga ah kaga tacsiyadeeyay labo kamid ah muwaadininta u dhalatay dalka Turkiga oo qaraxii saaka ku dhintay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...