Guddi u xilsaarnaa Tirakoobka Shaqaalaha dowladda FS ayaa soo gabagabeeyay howlo la xiriiray sameynta xogo iyo kayd dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda. kaddib muddo toddobaadyo ah oo ay socdeen barnaamij loogu talagalay tirakoobkaasi,
R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo booqday gabagabadii howsha tirakoobka, waxaa warbixin buuxda oo ku saabsan qaabkii loo maamulay iyo sida habsamida leh ee uu u dhamaaday tirakoobkaasi halkaasi ku siiyay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Ra’iisul wasaare , Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahadceliyay howsha qaran ee ay qabteen guddigaasi tirakoobka shaqaalaha dowladda,wuxuuna tallaabadaasi ku tilmaamayin ay qeyb ka tahay qorshaha lagu horumarinayo shaqaalaha hay’adaha dowladda.
Tirakoobka, wuxuu suragal ka dhigaya in la helo xog iyo kayd dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.