Xaraynta xubnaha soo xulaya Baarlamanka Galmudug oo Dhuusamareeb ka billaabatay

Date:

Waxaa Saacadihii  lasoo dhaafay ka billowday Magaalada Dhuusamareeb xaraynta Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xubnaha Baarlamaanka Galmudug, si loo dhiso maamul loo dhan yahay.

Munaasabad lagu Daah-furayay xaraynta Odayaasha oo xalay lagu qabtay Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madax kale.

Guddiga farsamada maamul u samaynta Galmudug ayaa soo saaray hab-raaca doorashada, waxaana la xaqiijiyay Odayaasha dhaqanka ee ah Saxiixayaasha ka ah dhismaha maamulka loo dhan yahay oo ay yeelato Galmudug.

Hannaanka dhismaha Galmudug loo dhan yahay ayaa haatan maraya meel gabo-gaba ah, waxana door weyn ku leh dar-dar gelinta howlaha maamulka Guddiga farsamada iyo Wasaarada arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo warbixinno ka dhageestay Saraakiisha CBS

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Xildhibaannada labada Gole oo leh Akhrinta 2-aad ee Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta...

Wasiir Al-Cadaala oo ka Warbixiyay Isbadalka Qorshaha Qaran ee 5-ta sano ee soo socoto 

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala “Waxaa halkaan lagu diyaarinayaa qorshaha dalkaan...

Shacabka Somaliland oo u dareeray Goobaha Codbixinta 

Shacabka maamulka Somaliland ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, ayaa...