Ciidanka xoogga Dalka oo la wareegay Tuulooyin hoos taga Cadale

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeedc oo howl-gallo lagu baacsanayo Maleeyshiyaadka  nabad-diidka Al-shabab ka wada degaanno ka tirsan Shabeelladda dhexe ayaa lawareegay Tuulada Geelgub oo qiyaastii 10 km ujirta Degmada Cadale ee Gobolka Shabellada dhaxe.

Howgalladani oo ah kuwa lagu sugayo amaanka degannadaasi ayaa waxaa hoggaaminaya Taliye ku xigeenka Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye guuto; Maxamed Cali Bariise.

Degaannada laga eryay nabad-diidka ayaa Al-Shabaab u ahaa goobo muhiim u ah oo ay kasoo maleegi jireen weearrada ay kusoo qaadaan degaanka Geel gub, waxaana haatan soconaya howl-gallo Miino baaris ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee degaanka.

Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan degaannada laga xoreeyay nabad-diidka ayaa aad usoo dhoweeyay tallaabooyinka ay Ciidanku ka qaadeen kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaato ba’an ku hayay Dadka halkaasi ku nool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo tababar muhiim ah soo xiray

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Daahfuray Olole Qalliimo Wadnaha Ah Oo Loo Sameynayo 11 Carruur Ah

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray...