Ciidanka xoogga Dalka oo 15 Al-Shabaab ahaa ku dilay Jubbada hoose

Date:

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 15 hor-jooge oo ka tirsanaa nabad-diidka Al-Shabaab ku dilay how-lgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaannada Baarsanguuni iyo Kaban oo hoostaga Degmada Jamaame ee Gobalka Jubbada hoose, halka Siddeed kalen ay ku dhaawaceen.

Gaashaanle Sare Maxamed Badal Xasan oo ah Taliyaha Guutada 11 Qeybta 43 ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howl-galka hoggaamiyay ayaa sheegay howlgalka uu yimid markii Taliska markii ay heleen xog ku saabsan guluf colaadeed oo ay halkaasi ku abaabulayeen Al-Shabaab, taas oo sababtay in ay ka hortageen qorshihii Al-Shabaab ay soo maleegayeen, islamarkaana ay ku raadjoogaan firxadkooda.

Ciidamada Xoogga Dalka oo Gacan iyo taageero dhab ah ka helaya Shacabka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojiyay how-lgallada kadhanka ah Al-Shabaab, iyagoo kala wareegay Gacan ku haynta deegaano badan oo ay hore nabad-ddidka u maamulayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...