R/Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Erdoğan oo Ku Kulmay Geneva

Date:

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirro ka kala tirsan labada dowladood ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee walaalaha ah.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale kulankooda uga hadlay horumarinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, si daaha looga rogo fursado dhaqaale xooggan oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyed.

Kulanka ayaa yimid kadib markii uu R/Wasaare Xasan Cali iyo madaxweynaha Turkiga Rajab Dayyib ay magaalada Geneva uga qayb galayaan Shirka Madasha Qaxootiga Adduunka oo looga hadlayo Mas’uuliyadda dhibaatooyinka, arrimaha waxbarashada, shaqada, Nolosha, tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, xulalka iyo awoodda difaaca.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...