Maamulka Gobolka Banaadir Oo Casha Sharaf U Sameeyay Haweenka Kujira Labada Golle “SAWIRRO”

Date:

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa casha sharaf u sameeyay haweenkii ka qeyb galayay shirkii 3-aad ee haweenka ku jira Barlamaanka labada aqal ee dowladda, Golaha Aqalka Sare iyo Golaha shacabka iyo Xildhibaannada maamul Gobolleedyada oo labadii cisho ee la soo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda casho sharafta oo loo sameeyay haweenka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Marwo Basma Caamir Axmed (Shakeeti) Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi gelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamuud Jaamac (Jawaahir Baadqab).

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti ayaa soo dhaweyn kadib u mahadcelisay haweenka ku jira Baarlamaanka labada Aqal iyo haweenka kale ee ka tirsan Xildhibaanada Dowlad Goboleedyada inay muujiyaan doorka ay ku leeyihiin hannaanka doorashooyinka dalka.

Qaar ka mid ah Haweenka Xildhibaannada ee labada Aqal oo dhankooda ka mahadceliyay munaasabadda casho sharafta ah ayaa sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin inay ka soo dhalaalaan kaalinta haweenka ee horumarka dalka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...