Ciidamada XDS oo ka hortagay wareer ay kusoo qadeen Al-shabaab Deegaanno ka tirsan Jubbada hoose.

Date:

Ciidamada XDS oo ka hortagay weerar ay maleeshiyaadka Shabaab ku soo qaadeen deegaanno hoos taga Jubbad hoose, iyagoo dilay tiro ka tirsan maleeshiyaadkaasi.
Arrintan ayaa timid kaddib markii maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ay isku dayeen in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan fariisin ay ciidanmada XDS ku leeyihiin duleedka deegaanka Hosingow oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose,
Warka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada XDS oo ka warhelay una diyaargaroobay weerarka ku soo wajahan ayaa dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa argagixisada soo weerartay sida ay xaqiijinayaan qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale ciidamada XDS ayaa la sheegay in hub iyo saanad meleteri oo aad u farabadan ay halkaasi kaga qabsadeen maleeshiyaadka soo weeraray ee ka tirsanaa argagixisada Shabaab.
Ma jiraan wax faah faahin intaasi ka badan oo ka soo baxaya weerarkaasi ay fashiliyeen ciidamada XDS kaasoo ka dhacay fariisin ay ciidamadu ka lahaayeen duleedka deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubbada hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...