Wasaaradda Gaadiidka oo dhawaan soo celin doonto xeerkii Waddo marista gaadiidka.

Date:

Wasaaradda Gadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan la soo celin doono xeerkii gadiidka ee waddo marista,

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegtay in la dhameystiray xeerkii waddo marista, kaasi oo horey Gadiidka ay u isticmaali jireen, loona wado dhinaca bidixda ah.

“Isteerinka bidixda ayaa loogu talagalay, marka albaabka la furo qofka waxa uu ka degayaa dhanka marshabiyeediga, meesha ay dadku ku socdaan jidka dhexdiisa ma lagu dejinayo, waana midda saxda ah, tan iyo markii uu burburka dalku dhacay waxaa is badalay gaadiidka dalka la keeno oo isugu jira kuwa isteerin midig iyo isteerin bidix,  sharci ayaana ka soo saarnay oo ku soo baxay faafinta rasmiga ah, waxaa dhiman oo kaliya in la dhaqan geliyo” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in xeerkan uu wax badan ka badali doono hannaanka hadda ay gaadiidka u shaqeeyaan, isla makaana sharciga uu u ogolaan doono gaadiidka isteerin bidixda ah inay dalka ka howlgalaan, si loo ilaaliyo xeerka waddo marista gaadiidka.

Dib u soo celinta sharciga waddo marista gaadiidka ayaa meesha ka saari doonto in la adeegsado gaadiidka isteerin midigta ah, kuwaasi oo marka laga degayo ay halis ku tahay dadka gaadiidka ka degaya, iyadoo sharcigan uu yahay mid horey u jiray inta aysan bur burin dowladdii dhexe ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...