Madaxweyne Farmaajo oo daah furay qeybinta buugaagta Manhajka Waxbarashada Qaranka “SAWIRRO”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta daah furay qeybinta buugaagta Manhajka Waxbarashada Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda daah furka ayaa sheegay in muhiimadda koowaad iyo labaad ee dowladdu ay tahay waxbarashada, isagoo intaa ku daray in waxbarashadu ay tahay furaha Nolosha.

“Anagoo munaasabadan u nimid daah furka, aan ku daah fureyno buugaagta halkan taala sample keeda, oo gaareysa daabacaadeeda Hal milyan iyo afartan kun iyo boqol iyo labo kun oo ah diyaarinta macalimiinta casharadooda, runtii waxa ay noo tahay farxad weyn, runtii waxa ay noo tahay wax aad iyo aad Alle loogu mahadceliyo, maxaa yeelay, annagu dowladdaan muhiimadeeda koowaad iyo labaad waxa weeeye waxbarashada, Waxbarashada waxa weeye waa furaha nolosha” ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in saddexdii sanno ee ugu dambeysay ay dowladdu la wareegtay 24 Iskuul, isla markaana ay dowladdu wax barto 65 kun oo arday ah, waxaana la qorsheynayaa in dowladdu ay kordhiso tirada carruurta Soomaaliyeed ee ay waxbarayso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay in horumarkasta uu dal gaaro ay sabab u tahay waxbarashada ubadka oo la horumarinayo, waxaana uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in carruurta Soomaaliyeed loo diyaariyay waxbarasho mustaqbal leh.

“Ilmo walba oo aan awood u lahayn inay aadaan iskuulada private-ka aan u diyaarino waxbarasho mustaqbal leh, waxa kaliya aan ku horumari karno anagoo waxbarasho tayo leh aan carruurteena siineyno,” ayuu Madaxweyaha hadalkiisa ku daray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...