Maamulka Mahaddaay oo codsaday gurmad deg-deg ah.

Date:

Maamulka Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay cudurro ka dhasheen fatahaadda Webiga Shabeelle ee mara tuulooyimka Hoosyimaada Degmadaas oo kal hore ku soo butaacay xaafado ka mid ah magaalada.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Degmada Mahaddaay Mudane Saalax Fuleel Xaaji oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in xaalado nafaqi darro ah ay ka jirto magaalada, isagoo intaa ku daray in weli xaafado ka mid ah magaalada ay biyo fadhiisad noqdeen.

“Degmada xaaladeeda hadaan kaaga sheekeeyo, runtii biyaha weli waxa ay ku dhex jiraan xaafadaha degmada iyo tuulooyinka hoosyimaada, cuduro kala duwan ayaana ka dhashay oo ay ugu horeyso Nafaqi darro iyo Malaria, mana jirto wax gumad ah oo naga soo gaaray dowladdda Goboleedka Hirshabeelle iyo tan Federaalka.” Ayuu yiri Saalax.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Degmada Mahaddaay ayaa sheegay in Webiga Shabeelle uu ku fatahay magaalada iyo tuulooyin kale oo hoostaga Degmada Mahadaay, iyadoo dadku aysan heysan Hooy iyo adeegyada kale ee aas aaasiga u ah nolosha beni’aadamka.

Saalax Fuleel Xaaji ayaa hay’adaha samafalka, Madaxda Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka ka codsaday inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan magaalada Mahaddaay iyo deegaannada kale ee hoostaga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...