Ra’iisul wasaare Kheyre oo Dalka Qatar ugu qeyb galaya shirka Madasha Doxa

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta u dhoofay Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar, halkaas oo Sanadkii Saddexaad uu uga qeyb galayo shirka madasha Dooxa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay Dalka Qatar.

Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah Dowladaha caalamka iyo hay’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa madasha Dooxa ka qeyb galay sanadihii 2018 iy0 2017.

Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...