Ra’iisul Wasaare Khayre oo Soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray arrimaha Galmudug

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre, ayaa soo dhoweeyay heshiiska dhex maray Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca (AWSJ).

Heshiiska oo ku yimid wada hadal dheer oo dhexmaray Dowladda Fedaraalka iyo ASWJ oo ay Gacan ka gaysteen dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxa uu saldhig u yahay Galmudug midaysan oo loo wada dhan yahay.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu ugu baaqay dhamaan Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug in ay kawada shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa maamul u adeega Shacabka reer Galmudug.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan Bulshada reer Galmudug in ay muujiyaan dulqaad iyo isu tanaasul Gacannna ka gaystaan hirgelinta heshiiskan.

Mudane, Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaaraha Dalka ayaa  uga mahad celiyay ASWJ dedaalka ay muujiyeen si loo gaaro heshiiskan.

Ugu dambayntii waxa uu u mahad celiyay cid walba oo Soomaaliyeed oo Gacan ka gaysatay heshiiskan iyo xubnaha Beesha Caalamka oo mar walba Garab taagan Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...