Wasaaradda Boostada Oo Daah Furtay Wadatashiga Qabyo Qoraalka Siyaasadaha Hirarka ‘Sawirro’

Date:

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknaloojiyadda ee XS ayaa daah furtay shir wadatashi ah oo loogana hadli doona qabyo qoraalka Siyaasadaha Hirarka, Lambarada iyo isku xirka waxaana ka qeyb galay madax ka socotay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, mas’uuliyiinta Shirkadaha Isgaarsiinta

Shirkan oo socon doona 30 maalmood ayaa waxaa looga doodi doonaa muhiimadda uu u leeyahay qaadashada ruqsadda Isgaarsiinta ee helitaanka adeegyo tayeysan iyo dhiirigelinta adeegga bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda ayaa sheegay in ka qeyb galayaasha laga doonayo inay aragtidooda ku dhiibtaan mudada uu shirka wadatashiga socdo, waxaana uu sheegay shirkan loogu talo galay in lagu arruuriyo tallooyinka xubnaha ka qeyb galay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Boostada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bille Nuur oo daah furay shirka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku guuleysatay sharciga Isgaarsiinta dalka, kaasi oo ay meel mariyeen Golaha Wasiirada, isagoo intaa ku daray in Wasaaraddu ay qeyb ka tahay halbeegyada Tubta Dhaqaaalaha, uuna rajeynayo in shirkan ay ka soo baxaan guulo wax ku ool ah.

Shirkan ayaa ugu dambeyn lagu wadaa in laga soo saaro War murtiyeed wax ku ool ah oo ku saabsan hannaanka loo wajahayo qabyo qoraalka Siyaasadaha, Hirarka, Lambarada iyo isku xira.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay masuuliyiinta la doortay ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Muqdisho, Febaraayo, 04,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo hambalyo u diray xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geedi,...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Xarun Waxbarasho oo laga hirgeliyay Garasbaalley

Muqdisho, Febraayo 04, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku tallaabsanaya dhismaha guddi saaxiibtinimo oo Baarlamaan

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Aljeeriya, Danjire...