Xubno ka tirsan Boliiska AMISOM oo loo xiray tababar la xiriira Jinsiga iyo xuquuqul insaanka

Date:

Howl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa 22 Sarkaal oo ka tirsn Boliiska AMISOM usoo gaba-gabeeyay tababar soconayay Sadex Cisho .

Tababarkan ayaa waxa uu ku saabsanaa ka hor tagga dhibaatooyinka Jinsiga , ilaalinta xuquuqul Insaanka iyo dhowrista dhibaatooyinka loo geysto Carruurta.

Xubnahan oo dhammaantood ahaa Haween ayaa looga tala galay in ay tababarro iyo talooyin ku aaddan waajibaadkooda usii fidiyaan Saraakiisha Boliiska Soomaaliyeed oo ay wada shaqayn xooggan ka dhaxayso AMISOM.

Taliyaha Booliska AMISOM,  Augustine Magnus Kailie, ayaa xiritaanka tababarka Saraakiishan ku boorriyay in ay casharradii la siiyay ku dabbaqaan aqoontooda, si ay u sii kordhiyaan kaalintooda kaga aaddan waajibaadka amni ee saaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...