Bulshada ku nool deegaanada miyiga ah ee G/Bari oo si isku tashi ah u furaya Waddada Dhabaaqo

Date:

Bulshada ku dhaqan dagmooyinka fog fog ee Gobalka Bari oo u badan Xoolo dhaqato iyo Beeralay ayaa bilaabay isku tashi ay ku doonayaan inay dib ugu furaan waddooyinkii hal bowlaha u ahaa isu socodka gaadiidka iyo dad waynaha iskuna xiri jiray Degmooyinka Qandala, Caluula iyo Boosaaso, halkaasi oo ay go’een waddooyinkii loo mari lahaa deegaanno muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Bari.

Marka laga yimaado dhanka badda oo ah wada sadexaad ee loo maro dagmooyinkaani waxa uu leeyahay Laba wado oo caan ah bulshada deegaanadaasina adeegsato kuwaasi oo la kala yiraahdo Lafa Goray iyo Dhabaaqo,hadana labaduba yihiin kuwa go an oo aan la adeegsan karin .

Dhallinyaro, waayeel Xoolo dhaqato iyo Beeralayba waxa lsu garab sadeen bulshada ku dhaqan agagaaarka Buurlayda Dhabaaqo sidii mar kale si iskaa wax u qabso ah loogu furi lahaa wadada dhabaaqo oo go’day masaafo ka badan 30km ayna ka dillaaceen godad aad u waawayni, taasi oo ay u sii dheertahay in daadadkaani soo dhigeen dhagxaan aad u waawayn oo ay adagtahay bur burintoodu.

Maxamed Jaamac Togox oo ka mid ah odayaasha deegaanka si gaar ahna wadadaani gacanta ugu hayay mudo 30 sano ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in hadafkoodu yahay in la helo meel la marsiiyo gurmadka kala duwan ee loo wado deegaannada ay roobabka saameeyeen.

Togax ayaa xusay in Maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya midna wali ka soo gaarin dadka deegaanadaasi wax gurmad ah marka laga reebo qiimayn ku saabsan inta uu khasaaruhu la egyahay oo ay u timid hay’ada jidadka Puntland iyo Guddi gaar ah oo arintaani u xilsaartay Puntland.

“Waxaa qiimihiisu laba jibaarmay maciishada noocyadeeda kala duwan, maadama isha kaliya ee dadkaani wax ka heli jireen ahayd magaalada ganacsiga ee Boosaaso, xitaa baddii way kacsantahay oo lama mari karo hadiiba dhanka badda la adeegsan lahaa, waxaan ka codsanaynaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay arintayada il gaar ah ku eegto oo dadkaasi loo soo gurmado, hooyadii umulaysa hada wado la marasiiyo malahan oo xaalad caafimad darro inay u dhimataa suro gal ah”ayuu yiri Maxamed Jaamac Togox oo ka mid ah odayaasha gacanta ku haya waddada dhabaaqo.

Dadka deegaanadaasi ayay cabsi kale soo wajahday markii Hay’adaha saadaasha iyo Wasaarada arrimaha Gudaha Puntland si wada jir ah mar kale uga digeen Roobab dabaylo wata oo soo wajahan .

              

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...