Wasaaradda Dastuurka oo kullan la yeelatay maamulka gobolka Banaadir

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Saalax Axmed Jamac ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud (Filish), iyagoo kawada hadlay arrimaha dib-u-eegista dastuurka gaar ahaan maqaamka caasimadda Muqdisho ay ku dhex yeelanayso nidaamka Federaalka.

Gudoomiyaha ayaa lasiiyay warbixin ku saabsan nuucyada maqaamka caasimadda ee ka jira dowladaha federaalka dunida si aragti looga qaato.

Gudoomiyaha ayaa ka mahadceliyay warbixinta tifaftiran ee loo soo bandhigay waxa uuna ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka islamarkaana dadka deggan caasimadda ay diyaar u yihiin in ay aragtidooda ku biiriyaan howlaha ka socda Dastuurka.

Wasiirka dastuurka Mudane Saalax ahmed Jaamac ayaa bogaadiyay sida maamulka gobolku ay waqtigooda usiinayaan arrimaha masiiriga ah ee dalka gaa rahaan Dastuurka.

“Dastuurku ma ahan wax wasaaradda dastuurka kaliya kuxiran balse waa waxyaabo 80% quseeya hay’adaha Dowladda ee kala duwan, waana in ay aragti kakeenaan aagaga ay hay’ad walba ku howlantahay, tusaale waa in wasaaradda caafimaadku ay aragti ka keentaa sida loo maamulayo caafimaadka, waxbarashada sidoo kale waana in ay ku salaysnaataa cilmibaaris” ayuu yiri wasiirka Dastuurka mudane Saalax Ahmed Jaamac.

Wasaaradda Dastuurka aya wada howlo muhiim ah Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka waxayna kulamo shaqo oo badan horey ula yeelatay, lana yeelan doontaa hay’adaha kala duwan ee dowladda kuwaa oo udub dhexaad u ah arrimaha geedisocodka dib-u-eegistadastuurka.

Arrimaha U baahan wadaxaajoodyada siyaasadeed si loogu daro dastuurka ayaa waxaa loga doodidoonaa banbax howled ballaaran oo ay wasaaraddu la yeelandoonto golahawasiirada si aragti midaysan loogayeesho.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dowladda Imaaraadka kala wareegay Gaadiid Dab-damis ah

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka oo kormeer ku tagay xarunta iskuul taariikhiga ah ee degmada Waajid

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada :Dhamaadka sanadkan 2025 ayaa dalka ka howlgelaysa diyaaradda Somali Airlines”

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...