Shirka Horumarka Dhallinyarada Soomaaliyeed Oo Muqdisho Ka Furmay

Date:

Shirkan oo ay ay Ka qeyb galayaan dhallinyaro laga keenay Gudaha dalka oo Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa looga hadlaa caqabadaha iyo Horumarka Dhalinyarada Soomaaliyeed oo waqtigan wajahaya daruufo kala gedisan kuwaasi oo isagu jira dhinaca Nolosha, Waxbarashada, caafimaadka iyo shaqo abuurka iyadoo shirkan diiradda lagu saarayo sidii xal loogu heli lahaa.

Xalay ayay Ahayd markii ay Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ay u sameysay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo casho sharaf ah taasoo lagu soo dhoweeynayay dhalinyarada ka qeyb galaysa shirweynahan oo cadeyn u ah kaalinta ay dhalinyaradu kaga jiraan arrimaha siyaasadda, maadaama ay yihin laf-dhabarka dalka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dalka oo halkaasi Kalmado dardaaran iyo bogaadin u jeedin doona dhalinyarada ka qeyb galaysa shirweynaha sanadkan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...