Roobab Muqdisho Xalay Ka Da’ay & Masuuliyiinta Gobolka Banaadir Oo Tagay Meelaha Ugu Daran “Sawirro”

Date:

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay kormeer ku tagay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan meelaha Biyaha roobka fariisteen.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in u kuur galayeen xaaladaha qaar kamid ah xaafadaha magaalada.

“Waxaan ku jirnaa kormeer aan ugu kuurgalayno xaalada iyo saamaynta ay yeesheen roobabkii saacadihii u dambeeyay ka da’ayay magaalada iyadoo uu wali socdo roobkii lana fili karo waaberiga ilaa beri inuu gaaro”. sidaas waxaa yiri gudoomiye Tuulax

“Maamulka gobolka Banaadir waxaa uu u soo jeedi doonaa caawa sidii uu gurmad ugu fidin lahaa hadii uu saameyn ku yeesho shacabka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada”.

xalay illaa shalay galab magaalada Muqdisho waxaa ka da’ay roob saacado badan socday kaas oo sababay in dadka danyarta ah qaarkood goobihii ay daganaayeen isaga baxaan kadib daadad saameeyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...