Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada oo kormeer qiimeyn ah ku sameeyay qaar ka mid ah Dugsiyada gobolka Banaadir

Date:

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  si rasmi ah ugu bilowday gobalka Banaadir Kormeer guud oo ku saabsan qiimeyn lagu sameynayo dhammaan dugsiyada ku yaala gobalka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxabarshada Hiddaha iyo tacliinta Sare  xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada,iyo Guddoomiye ku-xigeynka dhanka arimaha bulshada maamulka gobalka Banaadir ayaa Kormeer ku tagay qeybo kamid ah dugsiyada gobalka Banaadir.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ayaa maamulayaasha iyo macallimiinta su’aalo ka weydiiyay tayada waxbarashada ardayda iyo habka ay wax u barayaan.

Kormeerka ayaa lagu qiimeynay maamulayaasha,tababarka,macalimiinta  iyo agabka dugsiyada,tirade ardayda iyo tayada waxbarashada waxaana sameynayay kormeerka dad loo tababaray qiimeynta kormeerka islamarkaana qibrad uleh soo gudbinta xogta dugsiyada.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka arrimaha Bulshada maamulka gobalka Banaadir Basma Caamir ayaa sheegtay in wasaaradda waxbarashada iyo maamulka gobalka Banaadir ay si wada jir ah ugu shaqeynayaan Horumarinta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Axmed Yuusuf Xasan ayaa kormeerayaasha kula dar daarmay in waajibkooda ay ka soo baxaan.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada muhiimadda Koowaad ay siineyso islamarkaana qiimeeyn lagu sameynayo tababarka macalimiinta,agabka dugsiyada,tirade ardayda iyo tayada waxbarashada iyo manhajka ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...