Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Oo Masar Kaga Qeyb Galay Shirka Golaha Wasiirrada Cadaaladda ee Jaamacadda Carabta ‘Sawirro’

Date:

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS, Mudane; Xasan Xuseen Xaaji iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar uga qeyb galay kulanka 35-aad ee Golaha Wasiirrada Cadaaladda Jaamacadda Carabta.

Ajandaha shirka ayaa waxaa ka mid ahaa ka hortagga dembiyada abaabulan, la dagaallanka musuq-maasuqa, cirib tirka Lacag dhaqista, hab-raaca isu socodka qaxootiga iyo Dadka soo galootiga ah iyo arrimaha la xiriira mideynta sharciyada Dawladaha Jaamacadda Carabta inta suurta-galka ah.

Kulanka waxaa lagu soo dandhigay heshiisyo dhowr ah oo ay leeyihiin Dowladaha Jaamacadda Carabta oo la xiriira qodobbadii laysla soo qaaday.

Intii uu shirku socday ayaa waxaa Guddoonka kulanka la wareegay Wasiirka Cadaaladda ee Dalka Baxreyn. waxaana ku wareejiyay xilka meertada ah Wasiirka Cadaaladda Dalka Suudaan oo Sanadkii hore Guddoonka hayay.

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha garsoorka ,Xasan Xuseen Xaaji ayaa si weyn usoo dhoweeyay qodobbadii shirka layskula soo qaaday, isagoo bogaadiayay qorshaha Dowlada Jaamacadda carabta ay ku doonayaan in ay wax badan wadaagaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...