Soomaaliya & Marooko Oo Is-Weydaaranaya Xogo Dhinaca Garsoorka

Date:

Wasiirka Wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka Soomaaliya  ayaa kulan gaar ah la yeeshay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Dalka Marooko.

Agaasimuha ayaa Wasiirka iyo xubnaha kale  ee la socday uga warramay hannaanka dhismaha hay’adaha cadaaladda Dawladda Marooko iyo habraaca shaqo ee ay leeyihiin.

Wuxuuna tusaalayaal kasiiyay sida ay u wada shaqeeyaan bahda cadaaladda Dawladdiisa, isagoo si gaar ah uga warbixiyay dhinacyada Maxkamadaha , xeer-ilaalinta iyo doorka ay ku leeyihiin qorista iyo meel-marinta sharciyada oo ku kooban in haddii loo baahdo talo la weydiiyo.

Wuxuuna ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya guddoonsiiyey agaasimaha guud haddiyad yar oo xasuus iyo mahadcelin ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...