Ciidanka Ammaanka ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga waxaa ay ka bilaabeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Ciidanka ayaa xalay waxaa lagu arkayey qeybo kamid ah xaafadaha Dhuusamareeb iyo sidoo kale meelaha muhiimka.
Taliska Booliska ee Dhuusamareeb ayaa horay amar uga soo baxay waxaa uu ahaa in gudaha magaalada aan hub sharci darro ah lagu dhexqaadan karin ciddii amarkaas jabisana sharciga lahorgeyn doono
Ciidanka Amaanka ayaa qorsheeynayaa siddii ay uga hortagi lahaayeen dadka hubka ku dhexwata Dhuusamareeb.
Dhuusamareeb ayaa isku diyaarineysa marti galinta doorashadda Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug iyo tan Baarlamaankaba.