Baladweyne Maxaabiistii barakacday oo dib loogu soo celiyey Xabsiga dhexe ee Hiiraan

Date:

Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan dhawaan waxaa ku fatahay wabigga Shabeelle taas oo sababtay in dadkii isaga barakacaan guryahoodii.

Fatahaadaas ayaa saameyn ku yeelatay sidoo kale Xambisayadda magaalada oo eedeysanayaan kala duwan ku jireen, waxaana ay sababtay in laga saaro iyada oo loo wareejiyey xarumo kale oo ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin Baladweyne.

Hadda oo magaalada dadku dib ugu soo laabteen ayey sidoo kale Saraakiisha ciidanku dib u soo celiyeen Maxaabiistii.

Xeer illaaliye ku xigeenka Maxkamadda ciidanka qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga Maxamed Cabdiqaadir Maxamed oo Wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in Xabsigii dhexe ee Baladweyne hadda shaqo fiican laga qabtay taasna sababtay in Maxaabiistii dib loogu celiyey meeshoodii hore.

Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay in Maxaabiista noloshadooda qaarkood liidato una baahan yihiin  in siwanaagsan looga warqabo.

“Sida aad lasocoto Baladweyne waxaa ku fatahay Wabigga Shabeelle taas waxaa ay sababtay in dadkii isaga baxaan magaalada, dhibaataddu waxaa ay saameysay xabsigii dhexe ee Baladweyne waxaana ka saarnay dadkii ku xirnaa hadda dib ayaan ugu soo celinay kadib markii shaqo laga qabtay.

Hadda Xabsiga dhexe ee Hiiraan waxaa ku jira 68 qof kuwaas oo dambiyo kala duwan loo heysto qaarkood ayey xukuntay Maxkamadda Ciidanka qalabka sidda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...