Baladweyne Maxaabiistii barakacday oo dib loogu soo celiyey Xabsiga dhexe ee Hiiraan

Date:

Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan dhawaan waxaa ku fatahay wabigga Shabeelle taas oo sababtay in dadkii isaga barakacaan guryahoodii.

Fatahaadaas ayaa saameyn ku yeelatay sidoo kale Xambisayadda magaalada oo eedeysanayaan kala duwan ku jireen, waxaana ay sababtay in laga saaro iyada oo loo wareejiyey xarumo kale oo ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin Baladweyne.

Hadda oo magaalada dadku dib ugu soo laabteen ayey sidoo kale Saraakiisha ciidanku dib u soo celiyeen Maxaabiistii.

Xeer illaaliye ku xigeenka Maxkamadda ciidanka qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga Maxamed Cabdiqaadir Maxamed oo Wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in Xabsigii dhexe ee Baladweyne hadda shaqo fiican laga qabtay taasna sababtay in Maxaabiistii dib loogu celiyey meeshoodii hore.

Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay in Maxaabiista noloshadooda qaarkood liidato una baahan yihiin  in siwanaagsan looga warqabo.

“Sida aad lasocoto Baladweyne waxaa ku fatahay Wabigga Shabeelle taas waxaa ay sababtay in dadkii isaga baxaan magaalada, dhibaataddu waxaa ay saameysay xabsigii dhexe ee Baladweyne waxaana ka saarnay dadkii ku xirnaa hadda dib ayaan ugu soo celinay kadib markii shaqo laga qabtay.

Hadda Xabsiga dhexe ee Hiiraan waxaa ku jira 68 qof kuwaas oo dambiyo kala duwan loo heysto qaarkood ayey xukuntay Maxkamadda Ciidanka qalabka sidda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...