Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Ayax ku dagay qaar ka mid ah gobollada dalka

Date:

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa war ka soo saartay Ayax ku dagay qaar ka mid ah gobollada dalka iyadoo wasiirka wasaaraddasi uu sheegay in Khubaro loo dirayo goobahaas.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid Warbaahinta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ayaxa uu dhibaato badan gaarsiiyay degaanno ka mid ah gobollada Mudug, Galgaduud, Sanaag iyo Sool.

Wasiirku waxaa uu intaasi ku daray in Ayaxa uu bilowday Bishii Julay ee Sanadkaan, islamarkaana Wasaaradda ay waddo qorshe looga hortagaayo.

Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa tilmaamay in Ayaxa uu nabaadguuriyay degaanno badan oo ay ku noolaayeen dad Xoolo dhaqato.

Wasaaradda Beeraha waxay diyaarisay qorshe lagula dagaallamaayo Ayaxa, islamarkaana Koox ka socoto Wasaaradda ayaa loo dirtay degaanada ay dhibaatadu ka dhacday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Axmed...

Duqa Muqdisho oo Guddoomiyay Shirka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Howlgal Qorsheysan oo Lagu Bartilmaameedsaday Argagixisada

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka Tacsiyeeyay Geerida ku Timid Fannaan C/laahi Boqol

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/fitaax...