Mareykanka oo Haftar ugu baaqay in uu joojiyo dagaalada uu ka wado duleedka Tripoli.

Date:

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday ciidamada Qaranka dalka Liibiya in ay joojiyaan dagaalada hujuuumka ah ee ay ku qaadayaan magalaada caasimadda ah ee Tripoli .

Hadaladaasi ayaa ka dambeeyay bayaan ay maalinimadii Khamiista soo sareen Waaxda Arimaha Dibadda ee Mareykanka ka dib markii wadahadallo lala yeeshay wafdi ka socdayย  dowladda xarunteedu tahay Tripoli/

Washington ayaa ku eedeysay Moscow inay ka faaโ€™iideysaneyso khilaafka ka taagan dalka Liibiya,waxayna ku boorriyeen Generaal Khalifa Haftar in uu joojiyo weerarada ay ciidamadiisu ka wadaan caasimada Libya.

Ciidamada Libya ayaa u kala qeybsamay kooxo iska horjeeda oo xarumo ka kala dhigtay Tripoli iyo bariga tan iyo sanadkii 2014,waxaana mudadaasi sii kordhay kala duwanaanta fikradaha kooxaha hoggaamiyaasha kadib markii ay NATO horay u taageertay afgembigii taliyihii muddada dheer jiray Mucamar Qaddaafi saddex sano ka hor.

Bishii Abriil ee sanadkaan ย Haftar iyo ciidamadiisu waxay bilaabeen duullaan si uu ula wareego caasimada Liibiya oo xarun u ah dowladda ay aqoonsan yihiin caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale