Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Wasiirrada Gaadiidka Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Masar

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Salaad (Oomaar), ayaa Magaalada Elexandria ee Dalka Masar kaga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaadiidka Dowladaha Carabta.

Shirkan oo ahaa mid ay Sanadkiiba mar yeeshaan Wasiirrada Gaadiidka ee Waddamada ku jira  Jaamacadda Carabta ayuu ajendihiisu ahaa sidii ay Dowladahaasi u adkayn lahaayeen xiriirkooda ku aaddan xoojinta iskaashiga Gaadiidka.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in Dowladda Falastiin laga caawiyo dhaqaalaha Gaadiidka, in hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM ay Xafiis ka furato Magaalada Qaahira, in laysla qaato shuruucda ay dhowaan midowga Yurub kasoo saareen duulista Hawada iyo qodobbo kale.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane; Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa soo jeedinta Wasiirrada Gaadiidka Carabta kalsooni u muujiyay, isago sheegay in mar waliba ay Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay Garab istaagga Walaalahood reer Falastiin .

Mudane; Oomaar iyo dhiggiisa Dalka Masar ayaa ka wada hadlay in Labada Wasaaradood ay si gaar ah isaga kaashadaan horumarinta Gaadiidka.

Wuxuu sidoo kale Wasiir  Oomaar kulan la qaatay madaxa Academiyadda culuumta Gaadiidka oo hoos tagta Jaamacadda Carabta, isla markaana ah halka uu kulanku ka dhacay, waxanay ka wada hadleen sidii loo kordhin lahaa deeqaha wax barasho ee Ardayda Soomaaliyeed ay ka helaan Akadeemiyada iyo in Wasaaradda Gaadiidka loo soo diro koox farsamo oo ka caawiso dejinta siyaasadda Gaadiidka.

Wasiirka ayaa ugu dambayn casuumaad gaar ah u sameeyay 5 Arday oo dhigata Akadeemiyadda culuumta Gaadiidka, wuxuuna kula  dardaarmay in ay sii laba jibbaaran dedaalkooda waxbarasho, isagoo ku dhiiri geliyay in ay yihiin mustaqbalka Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...