Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Qaxootiga soo Guryo-noqonaya iyo Barakacayaasha.

Date:

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada.

Golaha ayaa ansixiyay siyaasadda qaran ee qaxootiga soo guyo-noqonaya iyo barakacayaasha, xeer Nidaamiyaha qaran ee ka Saaridda dadka hoyga ama dhulka ay degganyihiin iyo baratakoolka ku Meel-gaarka ee qeybinta dhul hoy u noqda dadka muteysta ee qaxootiga Soo Guryo-noqonaya.

Shirka golaha ayaa sidoo kale looga hadlay billaabidda wajiga labaad gurmadka fatahaada oo ka kooban, amniga guud ee dalka iyo howl-gallada lagu baacsanayo argagaxisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale