Caasha Shaacuur Oo Deeq Gaarsiisay Dadkii Ku Waxyeelloobay Fatahaadaha β€œSawirro”

Date:

Marwo; Caasho Shaacuur Ugaas, ayaa si toos ah Guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadahaΒ  ugu wareejisay deeq isugu jirta dharka Dumarka, maro Kaneecooyin, Bustayaal, Salliyadda lagu fariisto iyo Bacaha Roobka laga galo,

Deeqda waxaa la soo mariyay hay’ada Hinna oo ka shaqeysa arrimaha gargaarka iyo samafalka, iyada oo uu deeqdaasi kala wareegay guddoomiyaha Guddiga, Wasiir; Xamsa Saciid Xamsa.

Sidoo kale, hay’adda socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa lacag dhan $10,000 ugu deeqay dadka ay saameeynta ku yeesheen fatahaadaha Webiyada dalka, Lacagtaas oo lagu wareejiyay Guddiga Qaran ee gurmadka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale