Maxkamad ku taalla Hindiya oo ku dhawaaqeysa maamulka goob diimeed ay isku hayaan muslimiinta iyo hinduuska.

Date:

Maxkamadda sare ee dalka Hindiya ayaa maanta lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo cidda maamuleysa oob diimeed ku taallla magaalada Ayodhiya oo ay isku hayaan dadka induska ah iyo muslimiinta hindiya.

Maamulka Hindiya ayaa ciidamo ka badan 5000 oo askari  geeyay waqooyiga magaalada Ayodhya ka hor inta la sugayo xukunka maxkamada sare ee ku Sabtida ida loo dhiibayo gacan ku heybta goob diimeedf ay ku muransan yihiin dadka Hinduska iyo Muslimiinta.

Madaxda iyo dadka ku sugan gobolka Uttar Pradesh ayaa muujinaya cabsi ka dib kolkii kumanaan ruux ay soo gaareen magaaladaasi halkaasoo ay suurtagal tahay in ay ka dhacaan rabshado marka maxkamadda sare ay ku dhawaaqdo cidda mamuleysa goobta lagu muranan yahay .

.Sannadkii 1992-dii kacdoonkii dadka Hindida ayaa burburiyey masjidka Babri ee ku yiillay magaalada Ayodhiya ,waxaana halkaasi ku dhimatay 2-kun ooqof  u badan muslimiin.

Muslimiinta waxay sheegeen in masjidka Babri  ay ku tukan jireen qarnigii 16-aad illaa sanadkii 1949-kii ,halka dadka hinduuska ah ay aaminsan yihiin in xilligii uu talada haayey Mughal  la burburiyay macbadkaasi,isla markaana laga dhisay masjid.

Maxkamaddu waxay xukuntay in aagga lagu muransan yahay ee ah 2,77 acres (1.12 hektar) loo qaybiyo saddex qaybood oo isle’eg, iyada oo saddex-meelood laba meelood ay u socdaan bulshada Hinduuga iyo saddex-meelood meel muslimiinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...