Shirkadda Amal Group ayaa Dadka ay saameysay fatahaadda ka dhacday qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ugu deeqday Lacag gaareysa $40,000.
Amal Group ayaa deeqdan Lacageed gaarsiisay Dadka ku dhibaateysan Magaalooyinka Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan, Degmada Berdaale oo ka tirsan Baay iyo meelo ka mid ah Gobolka Gedo.
Shirkadda Amal oo deeqdan ku wareejisay Guddiga gurmadka fatahaadaha ee Culimaa’udiinka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa qorsheynaysa in ay mar kale gargaar u fidiso Dadka ay waxyeellada kasoo gaadhay fatahaadaha ay sameeyeen Webiyada Jubba iyo Shabeelle.