Agaasimaha Cusub Ee Wakaaladda Wararka SONNA Oo Xilka La Wareegay

Date:

Agaasimaha Cusub ee Wakaaladda Wararka SONNA  Mudane Cali C/qaadir Cali ‘Meykal’ ayaa maanta xilka kala wareegay Agaasimii hore ee wakaaladda Mudane C/laahi Sheikh C/raxmaan Haybe.

Munaasabadda xil wareejinta oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta Wakaalada Warara SONNA ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Agaasimaha cusub ee Telefishinka Qaranka ee SNTV, Mudane Faarax Salaad Dharaar, Agaasimaha Xiriirka Gobolladda Mudane C/laahi, Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka Mudane Maxamed Abuukar Axmed “Ma’da”,  madaxa wararka ee wakaaladda Cumar Faarax , iyo  madax qeybeedyada ee wakaaladda SONNA.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo hadal kooban ka jeediyay xilwareejinta ayaa ammaanay shaqadii uu soo hayay agaasimihii hore C/laahi Sh.C/raxmaan Haybe isagoo u rajeeyay kulana dardaarmay agaasimaha cusub Cali C/qaadir Cali ‘Meykal’ inuu u guto waajibaadkiisa shaqo hufnaan iyo howlkarnimo.

Agaasimaha cusub ee ee wakaaladda, Cali C/qaadir Cali oo munaasabadda ka hadlay ayaa Agaasimihii hore ku ammaanay howshii uu qabtay mudada uu hayay xilka, wuxuuna ballanqaaday in uu la imaan doono dardar cusub oo ku wajahan socodsiinta howlaha wakaaladda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Max’ed Xeyr Maareeye ayaa dhowaan magacaabay agaasimeyaal cusub tallaabadaasi oo si diiran ay u soo dhoweeyeen guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...