Wasiir Maareeyeโ€DFS waxaa ka goโ€™an ilalinta badqabka Saxafiga iyo Saxaafadda Soomaaliyeed.

Date:

Wasiirkaย  Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaal Soomaaliya mudane Maxโ€™ed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta Xafiiskiisa ku qabtay Shir Jaraaโ€™id uu kaga hadalayay qiimaha ay leedahay maalinta 2-da Novemberย  oo caalamku u asteeyayย  maalinta Badqabka Suxufiyiintaย  ayaa sheegay in siyaasadda dowladda Soomaaliya ay tahay in la cirib tiro ku xadgudubka wariyaha iyo dhammaan dambiyada kale ka dhanka ah warbaahita xorta ah.

โ€œ2-da November 2019 waxay ku beegen tahay maalintaย  adduun waynahaย  iyo bahda warbaahinta,Ururadoodu ay ku qiimeeyaan qaabka dowladuhu uga hortagaan ama ula xisaabtamaanย  xadgudubka iyoย  dambiyada laga galo wariyaha iyo warbaahinta xorta ah, inkastoo dalkeennaย  Soomaaliya weli yahayย  wadan dhib ka sooย  gaaroย  wariyaha ama kasoo gaari karo maadama ay ka howlgasho argagixisada caalamiga ah,dhinaca kalena aan weli adkayn hirgalinta amarka iyo kala dambaynta dalkaย  maadama dalkeennuย  yahayย  wadan kasoo kabanaya burbur dowladnimo, xukunkunaย  aan weli si baahsan oo siman dalka oo dhan iskuguย  xirnaynโ€. Ayuu yiri wasiirka warfafinta oo ka hadlayay shirkiisa jaraaโ€™id.Wuxuu soo hadal qaaday in la sameeyey shuruucdii la xiriirtay xaqijinta arrimahaasi badqabka saxafiga iyo saxaafadda Soomaaliyeed.

โ€waxaanu sameeynay dhamaan shuruucdii hayโ€™adihii iyo xeerarkaasiย  xaqiijin lahaa, hadafkaas iyo siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ciribtirka la xisaabtan laโ€™aanta xadguubyada Wariyayaasha iyo Warbaahintabaโ€. Ayuu yiri wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataย  ayaa โ€œyiri Annagoo kaashanayna ururada ay ku midaysan yihiin Wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo warbaahinta xorta ah, ururada bulshada rayidka ah ee dalka,waxaanu dhisnay guddi Qaran ee badqabka wariyaha (National Coordination Committee for safety of Somali Journalists), Soomaaliyana waxay noqotay wadankii ugu horreeyay ee bariga Afrika ee guddigaasi dhisa.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayuu sheegay wasiirku in ay xiriir dhow oo wada Shaqayn ahย  la leedahay wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo ururadooda,isagoo intaasi ku daray in sidoo kale ay wasaaraddu xoojinayso xiriirka iyo wada shaqayntaย  ka dhexeysa Hayโ€™adaha dowladda sida Booliiska, garsoorka,ururada Suxufiyiinta iyo wariyeyaasha,ayna diyaar u tahay inay hoggaamiso dadaalka Soomaaliya looga cirib tirayo ku xadgudubka wariyayaasha.

Ugu dambayntii wasiiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu hambalyeeyayย  wasaaradda iyo howlwadeennadeedaย  howsha ay qabteen iyo ururada suxufiyiinta oo ku guulaystay inay siyaasad ahaan ay hormuud u noqdaan Geeska Afrika , islamarkaana sameeyaan hab lagu ciribtiro xadgudubka Saxafiga iyo Saxaafadda, dhanka kale wasiirka ayaaย  tacsi u diray eheladii iyo carrurtii ay ka tageen wariyeyaashii ku geeriyooday iyagoo shaqadoodi ku guda jiray.

โ€œSamir iyo iimaan dhamaanteen Allaha naga siiyo, intii ku dhaawacantayna Allaha u booga dhayo sida Ismaaciil Sheekh Khaliifa iyo wariyeyaasha la midka ah,Waxaan ballan qaadaynaa dowlad ahaan in aan ciribtirno xadgudubka xaqdarrada ahย  ee loo gaysan karo wariye Shaqadiisa ku guda jiraโ€. Ayuu yiri wasiir Maareeye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale