Guddiga is-xilqaan oo Maanta lagu wareejiyay Baabuur

Date:

Wasaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya ayaa Maanta Gaari Toyota dul bannaan ah ku wareejisay Guddiga is-xilqaan ee Gacanta ku haya dib u dhiska Dalka.

Wasiirka Wasaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Dalka, Cabdi Aadan Hoosoow  oo goobta ka hadlay ayaa guddiga is-xilqaan ku bogaadiya shaqada ay Qaranka u hayaan ee dib loogu dhisayo Dalka, wuxuuna ballan qaaday in ay mar kasta Garab taaganyihiin masuuliyiinta Gacanta ku haya barnaamijkan.

Agaasimaha arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisulwaaraha Dalka ahna isku duwaha barnaamijka is-xilqaan ,Maryan Aadan Amiin ayaa si weyn ugu mahad celisay Wasaradda howlaha guud iyo dib dhiska Baabuurkan ay ugu deeqday Guddigan.

Marwo; Maryan ayaa sido kale sheegtay in Baabuurkan lagu qaadi doono shaqalaha Guddiga is-xilqaan, isla markaana uu wax badan ka tari doono howlaha dib u dhiska ee Dalka ka socda.

     

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...