Guddiga is-xilqaan oo Maanta lagu wareejiyay Baabuur

Date:

Wasaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya ayaa Maanta Gaari Toyota dul bannaan ah ku wareejisay Guddiga is-xilqaan ee Gacanta ku haya dib u dhiska Dalka.

Wasiirka Wasaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Dalka, Cabdi Aadan Hoosoowย  oo goobta ka hadlay ayaa guddiga is-xilqaan ku bogaadiya shaqada ay Qaranka u hayaan ee dib loogu dhisayo Dalka, wuxuuna ballan qaaday in ay mar kasta Garab taaganyihiin masuuliyiinta Gacanta ku haya barnaamijkan.

Agaasimaha arrimaha Bulshada ee Xafiiska Raโ€™iisulwaaraha Dalka ahna isku duwaha barnaamijka is-xilqaan ,Maryan Aadan Amiin ayaa si weyn ugu mahad celisay Wasaradda howlaha guud iyo dib dhiska Baabuurkan ay ugu deeqday Guddigan.

Marwo; Maryan ayaa sido kale sheegtay in Baabuurkan lagu qaadi doono shaqalaha Guddiga is-xilqaan, isla markaana uu wax badan ka tari doono howlaha dib u dhiska ee Dalka ka socda.

ย ย ย ย ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale