Ra’iisul Wasaare Khayre oo Washington uga qeyb galay shirka IMF iyo Bangiga Adduunka ee looga hadlay arrimaha Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane; Xasan Cali Kheyre, ayaa Magaalada Washington DC ee Caasimadda Dalka Mareykanka uga qeyb galay shirka miiska wareegsan ee Bangiga iyo hey’adda Lacagta Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay waxa uu uga hadlay guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta Dalka iyo sida ay Dowladda Soomaaliya uga qo’antahay buuxinta shruudaha ku xiran in Dalka deynta laga cafiyo.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Dowladda Ingiriiska ayaa xubnihii ka qeyb galay waxay isla qiree in Soomaaliya ay gaartay guula muhiim u ah mustaqbalka Dalka iyo gaaridda barta go’aanka ee deyn cafinta Dalka, waxa ayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada iyo Garab istaagga Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...