Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabelle Oo Lagu Amray Inay Dib Ugu Soo Laabtaan Jowhar

Date:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Mudane Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa ku amray xildhibaanada baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabelle inay  dib ugu soo  laabtaan magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle kadib markii mudadii fasaxa ahayd oo ay ku jireen xildhibaanada Ka tirsan maamulka Hirshabeele uu dhammaaday.

Mudane, Sheekh Cismaan Barre Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda uu furmi doono kulanka Baarlamaanka Hirshabelle, isagoo sheegay in dib loo ambaqaadayo howlaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Baarlamaanka Hirshabelle  oo lagu waday inuu furmo bishii lasoo dhaafay ayaa dib u dhacay taasoo loo aaneeynayo maqnaashada fasaxa xildhibaanada ay ku maqnaayeen oo haatan soo dhammaatay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa sidoo kale fariin uu u diray xildhibaanada waxaana uu ku Sheegay inaysan qaadan doonin gunnada haddii aysan xilidhibaanadu soo gelin magaalada Jowhar.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa dhinaca kale ka dalbaday shacabka ku nool Magaalada Jowhar in ay la shaqeeyaan ciidamada Amniga si loo sugo Amniga Magaalada Jowhar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...