Madaxweynihii Hore ee K/Afrika Jacob Zuma Oo Wajahaya Maxkamad

Date:

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa markii ugu horeysay la filayaa in maxkamad la soo taago, iyadoo loo heysto in ka badan 16-kiis oo dacwo ah oo ay ku jiraan arrimo musuqmaasuq iyo wax isdaba marin ay kamid yihiin.

Eedaha ka dhanka ah Zuma ayaa waxaa ka mid ah qaadashada  lacago laaluush ah oo uu ka helay qandaraas gaaraya 3.5 bilyan kadib markii uu heshiiska qandaraaska uu dhexmaray dowladda K/Afrika iyo shan shirkadood oo reer Yurub ah kuwaasi oo ka ganacsada iibinta diyaaradaha, doomanka loo isticmaalo illaalada iyo qalab militeri.

Kadib dhowr isku day oo uu ku doonaayay Zuma  in lagu joojiyo dacwadaha loo heysto, ayaa waxaa maanta la horkeeni doonaa maxkamadda sare ee dalka K/Afrika, isagoo ku eedeysan sida la sheegay lunsashada lacag dhan afar milyan oo Rand oo ah lacagta dalka Koonfur Afrika taasi oo u dhiganta 270,000$.

Xisbiga talada haya ee African ee ANC ayaa ku qasbay in uu iska casilo jagada madaxweynenimada sanadkii la soo dhaafay kadib muddo sagaal sano ah oo uu Zuma soo hayay talada wadankaasi.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Mr. Zuma lagu waday in lasoo taago maxkamad kutaala dalka K.Afrika hase yeeshee sarkaal katirsan maxkamadda ayaa saadaaliyay in billowga howsha maxkamadeyntiisa ay u badnaan doonto inuu Zuma rafcaan ka qaadato go’aanada maxkamadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...