Shirka Maamulada gobolada iyo degmooyinka K/galbeed oo lagu soo gabagabeeyey Magaalda Beydhabo

Date:

Shirkan oo muddo todobaad ah ka socdey magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa waxaa loo qabteyย  Mas’uuliyiinta maamulada gobalada iyo degmooyinka koonfur galbeed Soomaaliya, iyadoo ay soo qaban-qaabisey Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta koofurglabeed.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo kamid ahaa masuuliyinta shirka ka qeybgaleysay ayaa warbaahinta Qarankaย  u Sheegey in shirkan u ahaa mid looga hadlayey horumarinta adeega Dowliga iyo baahinta adeegyada Dowladda, sidoo kale, wuxuu intaa ku darey in sigaar ah diirada loogu saarey sidii cadowga Al-Shabaab looga xoreyn lahaa gobolada Maamulka koofurgalbeed

Gudoomiye Ibraahin aadan Cali Najax ayaa sidoo kale waxa uu Sheegey inย  Shirkanย  aad muhiim ugu ahaa shacabka Koonfur Galbeed una horseedi doona amni, horumar iyo nabad kuwada noolaansho.

Deegaanada Koonfur galbeed ayaa inta badan laga saaray Ururka Al-Shabaab,waxayna shacabka ku naaloonayaan nabad iyo Barwaaqo iyagoo garbaha ay ka taagan yihiin Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

ย ย ย ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...