Madaxweyne Farmaajo”marnaba kama tanaasuli doono soo celinta sharafka Soomaaliyeed”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeedinaya KHudbadiisa Dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga 6aad ee golaha baarlamaanka ayaa ka hadlay dhowr arrimood isagoo soo hadal qaaday dadaalada dowladda Soomaaliyeed ugu jirto soo celinta sharafta iyo karaamadda Ummadda Soomaaliyeed ku dhex lahayd caalamka.

“Waxaan idiin xaqiijineynaa inaan mar walba ka daali doonin inaan soo celino sharafkii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed lahayd inta aan xafiiska joogno.waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa dowladda iyo shacabka intaba inay u midoobaan sidii ay u tirtiri lahaayeen kooxaha argagixisada ah ee caadeystay dhibaateynta dadkeena” ayuu yiri madaxweynaha.

waxaa uu ka codsaday golaha baarlamaanka inay dardar galiyaan sharciyadda horyaala sidii ay u meel mari lahaayeen iyo kuwa kale ee la hor keeni doono isagoo sheegay in dowladda ay guulo waa weyn ka gaartay kobcinta dhaqaalaha dalka iyo hormarinta hay’adaha maaliyadda dalka.

arinta deyn cafinta madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay ku guuleysatay buuxinta sharuudihii lagu xiray si dalkeena looga cafiyo deymaha faraha badan inta harsana ay ka go’antahay in la dhameystiro.

Dib u-heshiisiinta ayuu ka hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa uu si gaar ah uga hadlay shirkii dib u-heshiisiinta Galmudug ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

“Waxaan naga go’an inaan dhageysano cid kasta oo wax tabaneysa, waxaan naga go’an inaan garowshiyo siino cid kasta garowshiyo leh, waxaan naga go’an inaan raali galino cid kasta oo raali galin mudan waxaan naga go’an inaan ka mira dhalino dib u-heshiisiin waarta oo ka hirgasha dhammaan gayiga Soomaaliyeed laakiin marna ma ogolaan doono inaan dib u laabano marna ma ogolaan doono inaan aqbalno wax qaranimada ka yar,marna ma aqbali doono cid kasta oo is hortaagta dib u-yegleelida Qaranimada Soomaaliyeed”ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...