R/W Kheyre Oo Daah-furay Isku Xirka Nidaamka Maaliyadda Ee W/Maaliyadda Ee Maamulka Lacagaha Bangiga Dhexe

Date:

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah-furay isku xirka nidaamka maaliyadda ee Wasaaradda maaliyadda (SFMIS) iyo nidaamka casriga ah ee maamulka lacagaha Bangiga dhexe ee dalka, (Core Banking system) oo ka qayb qaadanaya daah-furnaanta, la dagaallanka musuqa iyo fududeynta wada-shaqeynta bahda maaliyadda dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre oo wasaaradda maalliyadda iyo bangiga dhexe ugu hambalyeeyay nimaadkaan cusub oo qayb ka ah tallaabooyinka dhiirri gelinaya dadka Soomaaliyeed oo dhan ee qaybta ka qaadanaya horumarka, ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay in la soo dhaweeyo wax walba oo xoojinaya ammaanda iyo qarannimada

R/Wasaaraha ayaa ku dhiirri geliyay wasiirka maaliyadda iyo guddoomiyaha bangiga dhexe in laga sii shaqeeyo sidii nidaamka loogu faafin lahaa dhammaan hey’adaha dowladeed ee dalka, maadaama horumarku uu ku xiranyahay sida loo wada shaqeeyo.

Horumarinta hanaanka maaliyadeed ee dalka ayaa qayb ka ah himilooyinka tubta horumarinta dhaqaalaha dalka oo kamid ah afarta tub qaran ee lagu saleeyay shaqooyinka dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...