Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Oo La kulmay Xildhibaanno & Odayaasha Waqooyi

Date:

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa kulan xarrunta Villa Hargeysa kula qaatay Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeedo Gobolladda Waqooyi ee Soomaaliya.

Ujeedka kulanka uu guddiga la yeeshay xildhibaanadda iyo Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeedo goboladda Waqooyi ee Soomaaliya ayaa ahaa sidii ay aragtidooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka ay ugu soo bandhigi lahaayeen guddiga.

Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeedo Gobollada Waqooyi ayaa guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka usoo bandhigay tallooyinkooda iyo aragtidooda ku aadan Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

“Marka hore waxa aan idinkaga mahadcelinaynaa sida aad inaga ogolaateen in aan kulankaan wada yeelanno, marka xigto waxaan idiin kaga mahadnaqaynaa sida aad guddiga aad ugu soo bandhigteen tallooyinkiina iyo aragtiyadiina wanaagsan ee la xariiro sharciga doorashooyinka qaranka”waxaa sidaasi yiri guddooomiyaha Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji (Eng.Carab).

Tan iyo markii la magacaabay guddigaan waxa uu waday kulamo uu la yeelanaayo qaybaha kala duwan ee bulshada si ay ula wadaagaan aragtiyadooda la xariira sharciga dooorashooyinka Qaranka.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...